Xukumada Somaliland Oo Xayiraad Ah In Aanu Wadanka Ka Bixi Karin Ku Soo Rogtay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Wadani

0
768

Hargeisa (Tayosame news) -xukuumadda Somaliland ay xayiraad inaanu dalka ka dhoofi karin ah ay kusoo rogtay Dr Maxamed Yaasiin oo hore u ahaa wasiirkii dekedaha iyo khayraadka Biyaha isla markaana hadda ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga WADDANI kana mid ah xubnaha xisbiga WADDANI ugu jira tirinta iyo hubinta codadka doorashada madaxtooyada Somaliland.

Dr Maxamed Yaasiin waxa uu doraad madaarka Hargeysa ka dhoofi rabay lagala reebay dhamaan ddomcuments kii uu sitay,waxaana uu u socday Dr Maxamed Yaasiin dalka Ingiriiska oo uu markii horeba kasoo kicitimay,waxaana ay masuuliyiinta madaarka Hargeysa ay ku wargeliyeen in ay tahay amarka xagga xukuumadda ah,waxaana u sheegeen in uu dib ugu laabo magaalada Hargeysa.

Dr Maxamed Yaasiin ayaa hadda jooga magaalada Hargeysa oo uu ku xaniban yahay,waxaana xogaha aan helaynaa ay noo sheegeen in sababta loo xayiray Dr Maxamed Yaasiin ay salka ku hayso Buugii komishanka Qaranka ee laguu codaynayay ee dhawaan ay soo bandhigeen saraakiisha WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.