Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hakisay Saldhigii Millareti Ee Imaaraatku Ka Waday Berbera + Maxa Sababay?

0
490

Hargeisa  (Tayosame news)  Xukuumadda cusub ee Somaliland ee uu gaadh wadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi ayaa la sheegay in ay hakisay hawlihii saldhiga milateri ee dawlada Imaaraadka Carabta ka dhisanaysay magaalada Berbera.
Ma jiro warar rasmi ah oo arrinkas hakinta ah kasoo baxaya,laakiin warar xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire uu todobaad ka hor dawlada Imaaraadka Carabta u diray qoraal uu ku wargelinayo inay hakiyaan wax kaste oo ku saabsan saldhigaasi oo ay wadaan,waxaana la sheegay in wasiirku uu qoraalkiisa ku sheegay in dawlada Somaliland ay dib u eegis ku samaynayso waxii is faham ahaa ee saldhigaasi ku saabsan.
Warku waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo dawladii hore ee madaxwayne Axmed Silaanyo la gashay dawlada Imaaraadka Carabta oo ku saabsan saldhiga balse,la kala saxeexday is faham guud,taas oo hadii ay jirto xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi u sahlaysa inay dib eegis ku samayso.
Wasiirka arrimaha dibada oo mar laysku dayyey in wax laga weydiiyo  qoraalkan hakinta ah ee dawlada Imaaraadka Carabta u qoray ayaanay noo suurto galin.
Hase’yeeshee qoraalkan sheegaya in wasiir Sacad qoray ayaa kusoo beegmaya ,iyada oo ay dhawaan dawlada Imaaraadka shirkada Drives Marine Contracting LLC qandaraas ku siisay mashruuca dhismaha saldhigan ,kaas oo ay ku baxayso lacag ay shirkadu ku sheegtay 90 Milyar oo Dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.