Xukumadda Somaliland Oo Muddo Kooban U Qabatay Adeegyada ZAAD iyo E-Dahab iyo Arrimo Xaasaasiya

0
259

Hargeisa (Tayosame News) Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in ay shirkadaha Ku shaqeeya Nidaamka Lacagaha Elektaroonigga ah ku war gelisay in ay muddo kooban ku joojiyaan isticmaalka Lacagta Doollarka ah ee Moobilada loo adeegsado iyaga oo lagu amray in ay muddo 10 maalmood ah ku hir geliyaan heshiiskii hore xukuumaddii hore ee Somaliland iyo shirkadaha TELESOM Iyo Dahabshiil u wada galeen ee la xidhiidhay xaddiga loo isticmaali karo dirista lacagaha Doollarka ah ee Zaadka iyo E-Dahabka.

Wakhti xaaladda sicir bararka iyo qiimaha dhaca shilinka Somaliland sii socdo ayay xukuumadda cusub ee Muuse Biixi oo lagu dhaliilo sida aanay wali qorshe cad oo la taaban karo ula iman kuna wajahan xaaladdaasi ayaa waxa soo baxay war cusub oo sheegaya in amar ka soo baxay xukuumadda Somaliland oo lagu socodsiiyay shirkadahaasi lagu sheegay in 100-ka Dollar wixii ka yar aan loo isticmaali Karin dirista lacagaha doollarka ee Zaad iyo E-Dahab wixii ka badan mooyee.

Warar aannu dhinaca xukuumadda ka helayno ayaa tibaaxaya in dhawr maalmood shirar u socday xukuumadda iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee adeegsada nidaamka moobilka lacagaha la isugu diro ayaa waxa la sheegay in ugu dambayn xukuumaddu shirkadahaasi ku amartay in ay joojiyaan adeegsiga Lacagaha doollarka ee ku siman 100-ka dollar wixii intaa ka bandanna loo ogol yahay sidoo kalena lagu amray in ay dardar galiyaan adeegga ay bulshada ugu hayaan dhinaca shilinka Somaliland balse wararka aanu helaynaa waxa ay sheegayaan in shirkadaha qaarkood xukuumadda ka codsadeen in muddoda tobanka maalmood ah loo kordhiyo balse xukuumaddu ku adkaysanayso in muddadaasi ay ku joojiyaan adeegsiga wixii ka yar 100-ka Dollar ee ZAAD iyo e-Dahab.

Illaa Imika Ma Jiro warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda iyo shirkadahan toona balse waxa maalmihii ugu dambeeyey la iska dhex marayaa in xaaladdaasi taagan tahay maalmaha soo socdana ay kala caddaan doonaan arrimuhu.
Dad badan oo aqoonyahanka dhinaca dhaqaalaha ah ayaa ku dooda in isticmaalka lacagta ee Moobilka loo adeegsadaa ay waxyeelo weyn u gaysato dhaqaalaha dalka halka kuwo kale oo badanina ku doodayaan in arrintaasi ka qayb qaadato fududaynta arrimaha ganacsiga iyo adeegsiga lacagaha oo ay tahay tallaabo horumar ah oo aan waxba yeelayn sicir bararka iyo qiimo dhaca shilinka Somaliland.
Illaa imika ma cadda qorshaha dhabta ah ee xukuumadda cusub uga meel yaalla arrintan oo ay hore ugu fashilantay xukuumaddii hore ee KULMIYE maadaama ay waxba ka qaban kari wayday xaaladda adag ee sicir bararka iyo hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.