Somaliya (Tayosame news) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Howlgal gaar ah oo xalay Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ka fuliyeen degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lagu dilay nin degaankaasi caan ka ahaa oo caan ku ahaa Macalin jeelle.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa hadal kooban oo ku qornaa Luuqada Englisha-ka, kuna soo qoray bartiisa xiriirka bulshada Facebooka wuxuu ku sheegay dilka ninkan in ay ka dambeeyay kadib markii uu ka horyimid howlgalkii lagu soo qaban rabay, Ciidamana uu kala hortagay isdifaacid, kadibna Ciidamada oo naftooda difaacaya ay ninka toogteen.
C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Howlgalkan inuu ahaa mid ku soo dhamaaday guul, maadaama uu tilmaamay in lagu dilay nin Maalgeliye cadowga ah.
Nabadoon Maxamed Cumar oo ay Ehel ahaayeen Marxuumka dhintay ayaa goor sii horeysay Risaala u sheegay inuu banaanka u soo baxay marka uu rasaasta maqlay balse Ciidankii hubeysnaa ay ku amreen inuu gurigiisa ku laabto hadii kale dhibaato loo geysan doono.