Somaliya (Tayosame news) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Mohamed Ibrahim Gabow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaadhigiisa miino loogu xidhay.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa yidhi “Innaa Lillaahi Wa Innaa ILLeyhu Raajicuun, waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii, bahda saxaafada iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka tagey marxuumka. Waxaanan ALLE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo IIMAAN ALLE naga wada siiyo. AAMIIN”
Wasiir Eng. Yarisow ayaa si kulul u cambaareeyey falka dilka loo geystay wariyaha oo uu yidhi “Si kulul baan u cambaareynayaa falka dilka loo geystay wariye Maxamed Ibarahim Gabow, waana muuqataa dhammaan calaamadihii kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab oo caadeystay dilka wariyeyaasha. Marxuumka waxuu ahaa aqoonyahay Jaamacad ku soo bartay dalka Uganda, lahaana mustaqbal wanaagsan.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in dambiilayaasha ay baxsadaan oo bulshada ku dhex-dhuuntaan. “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii kooxaha argagaxisada dalka looga sifeyn lahaa si shacabka ay u helaan ammaan iyo nabadgelyo la isku haleyn karo. Hay’adaha Amniga iyo Garsoorka ayaana sameynaya baaris dhab ah si sharciga loo horgeeyo dambiilayaasha. Waxaa dhammaaday waqtigii shaqsi intuu dambi galo baxsada, waxaana sameyn doonaa tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed.”
haatan waxa magaalada muqdisho kusoo badanaya dilalka qorshaysan ee lala eeganayo masuuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladaasi, guud ahaan bahda tayosame news oo isku duubana wxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoskii qaraabadii iyo bahda saxaafadda aanu kamid ka nahay in alle samir iyo iimaan naga siiyo dhamaanteen.