Xukumadda Spain Oo Ku Gacan Saydhay Madax-banaanida Gobolka Catalonia, Diidayna Inay Wax wada Hadal Ah La Yeeshaan.

0
182
BARCELONA, SPAIN - SEPTEMBER 29: People gather at the final pro-independence rally at Plaza Espana ahead of Sunday's referendum vote on September 29, 2017 in Barcelona, Spain. The Catalan government is keeping with its plan to hold a referendum, due to take place on October 1, which has been deemed illegal by the Spanish government in Madrid. (Photo by Dan Kitwood/Getty Images)

Spain: (Tayosame news) Dowladda Spain ayaa ku gacan saydhay madaxbanaanida ay ku dhawaaqeen gobolka Catalonia ee dhowaanta aftida laga qaaday.

Waxaa sidoo kale xukuumadu ay diiday inay wax wadahadal ah la gasho madaxda gobolka Catalonia.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Spian ayaa ku tilmaamay hogaamiyaha Catalonia qof aan garanayn meesha uu joogo iyo halka uu ku socdaba.

Ra’iisul Wasaare Marriano Rajoy ayaa qabanaya shir deg deg ah oo golaha wasiiradu ay yeelanayaan kagana xaajoonayaan amuurtan.

Hogaamiyaha gobolka Catalonia ayaa saxiixay madaxbanaanida ay dadku u codeeyeen isbuucii hore.

Muranka xoogan ee soo kala dhexgalay xukuumada Madrid iyo gobolka Catalonia ayaa salka ku hayay madaxbanaani ay mudo dheerba doonayeen dadka reer Catalonia.

Hogaamiyaha Catalonia ayaa caalamka ugu baaqay in la aqoonsado madaxbanaanidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.