Xukuumadda JSL oo Daah-furtay Diyaarinta Mashaariicda loo Dhan Yahay ee Horumarinta Bulshadda

0
96

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan c/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa magaaladda Hargaysa ka daah-furay diyaarinta mashaariicda horumarinta addeegaydda bulshadda.

Mashaariicdaasi loo yaqaano mashaariicda loo dhan yahay oo ay bixiso haayadda caalamiga ah ee UNICEF ayaa loo qorsheeyay caruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano ee sanadaha 2026 iyo 2030.

Iyadoona mudnaanta la siinayo addeegyadda aasaasiga ah ee bulshadda sida waxbarashadda, biyaha, deegaanka, iyo hooyadda iyo dhalaanka, si kor loogu qaado addeegyadda bulshadda ee aasaasiga ah.

Waxaana furitaanka shirkaasi ka qayb gelay wasiirradda qrshaynta, biyaha, iyo agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha caafimaadka, biyaha, iyo sidoo kale saraakiil ka socday haayadaha ay UNICEF wada shaqaynta leeyihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, oo shirkaasi si rasmi ah u furay ayaa tilmaamay in ay xukuumad ahaan aad u soo dhawaynayaan mashaariicda la xidhiidha horumarinta mashaariicda kor loogu qaado addeegyadda aasaasiga ah ee nolosha bulshadda reer Somaliland.

Waxaanu ku aamanay haayadda UNICEF in ay kaalin weyn ugu jirto horumarinta addeegyadda nolosha bulshadda aasaasiga ah. “Waan soo dhawaynayaa in mar walba uu mashruucaasi hore u sii socdo, xukuumad ahaan. UNICEF addeegaydda aasaasiga ah ee ay u hayso horumarinta bulshadda.

Waxaan jecelahay in ay taabo galaan mashruucani, oo uu guulaysto. Waxaanan rejaynayaa in ay wasaarradaha ay wada shaqaynta leeyihiin ay si wanaagsan u wada fulin doonaan mashruucani”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).

Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa isna tilmaamay in qorsheyaasha siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye iyo ka wasaradda biyahaba ay ku jiraan sidii loo horumarin lahaa addeegyadda biyaha dalka.

“Sababta aanu Dhaamamka biyaha awoodda u saarnay, waxaanu ogaanay in Dhaamku uu ka faa’iido badan yahay ceelasha la qodo. Sidoo kale waxa uu uga muhiimsan yahay marka biyaha dhulka la qabto, waxaa kor u soo kaca, biyaha ceelasha ee hoos u dheeraada” ayuu yidhi Saleebaan Cali Koore.

Geesta kale madaxa haayadda UNICEF, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in la diyaarinayo mashaariicda ay shanta sanadood ee soo socda haayadda UNICEF ka fulin doonto Somaliland, gaar ahaana kuwa addeegaydda bulshadda ee aasaasiga ah.

Somaliland na ay ka taageeri doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicaha la xidhiidha addeegaydda nolosha bulshadda aasaasiga u ah, si loo kobciyo daryeelka hooyadda iyo dhalaanka.