Xukuumadda Somaliland Oo Go’aammo Kasoo Saartay Gudniinka Gabdhaha

0
25

Hargeisa (Tayosame News) Munaasibad lagu xusayay maalinta loo asteeyay ka-hortaga iyo la-dagaalanka gudniinka Fircooniga ayaa shalay lagu qabtay Hutel Guuleed ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa waxa kasoo qaybgalay wasiirka wasaaradaasi, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, xubno ka tirsan golaha wakiillada, masuuliyiin ka socda caafimaadka, ururada u ololeeya la-dagaalanka gudniinka fircooniga iyo marti sharaf kale.

Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland ayaa go’aammo kasoo saartay gudniinka Fircooniga ah ee gabdhaha.

Wasiirka Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Sheekh Khaliil Axmed oo shalay ka qaybgalay munaasibad lagu xusayay maalinta ka-hortaga gudniinka fircooniga ah oo ka dhacday hotel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, ayaa goobta munaasibadaasi ka dhacday ka shaaciyay gao’aammo (Fatwo) ay wasaaradda diintu soo saartay, kaasi oo ka kooban shan qodob.

Go’aammada ay wasaaraddu soo saartay ayaa u dhinaa sidan;

Fatwo ku saabsan gudniinka hablaha.

Iyadoo muddo badan soo noqnoqtay, hadalhaynta iyo kahadalka gudniinka fircooniga ah ee hablaha iyo waxa ay shareecada Islaamku ka qabto.

Kadib, markii ay wasaaradda diinta iyo aw-qaafta jamhuuriyadda Somaliland aragtay, isla markaana daristay waxay diinteena suuban ka qabto arrintani

Kadib, markii wasaaraddu la tashatay, culimada dalka iyo dhakhaatiir aqoon u leh caafimaadka, waxay wasaaraddu soo saartay Fadwadan hoos ku xusan;

  1. In gudniinka hablaha ee sharciga ahi yahay mid waajib ah, iyada oo loo gudayo qaab waafaqsan shareecada Islaamka, sida ku cad nusuusta iyo mad-habta Shaaficiyada ee lagaga dhaqmo dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland
  2. Waxaa xaaraan ah oo dambiya, gudniin kasta oo aan waafaqsanayn ama khilaafsan gudniinka sharciga ah eek or ku xusan, kaas oo dhaliya ama keena, googoyn ama toltolis, sida gudniinka fircooniga iyo wixii lamid ah
  3. Gabadh kastaa oo la kulanta gudniinka Fircooniga ah waxa ay yeelanaysaa, Mag-dhaw ku salaysan hadba inta uu le’eg yahay dhaawaca ama gaboodfalka loo gaystay
  4. Qof kasta oo ay ku cadaato inuu ku kacay gudniinka loo yaqaanno Fircooniga, wuxuu mutaysanayaa ciqaab ku salaysan hadba intuu le’eg yahay gaboodfalka uu gaystay
  5. Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta waxa ay baaq u diraysaa dhammaan waalidiinta, ururada rayidka ah iyo kuwa dawliga ahba ee ka shaqeeya wacyigelinta iyo joojinta gudniinka fircooniga ah ee loo yaqaano FGM inay dhaqangaliyaan Go’aammadan (Fatwo) oo kasoo baxday wasaaradda, isla markaana ay ka feejignaadaan inay cid kale ka qaataan Fatwo aan waafaqsanayn ama aan ogolayn wasaaradda diinta iyo aw-qaaftu.

Alle ayaa mahad leh

Sheekh Khaliil

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.