Xuska 18 May iyo Sooyaalka Taariikhda Somaliland

0
99

Hargeysa (Dawan) – Maalinta Xoriyada Somaliland waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan Somaliland iyo wadamada dibadaha ee ay joogaan jaaliyada dadka reer Somaliland u dhashay, iyada oo ay maalntani ku suntan tahay maalinta qaranimada Somaliland.

Waxaana ay maalintani ku timid ka dib dedaal badan iyo hiigsi badan oo loo maray horumarinta wadanka, ayaa sanadkii 1991-kii shirweyne ay beelaha Somaliland ku qabsadeen magaalo madaxda labaad ee Burco waxa ay ku go’aansadeen in ay Somaliland noqoto qaran madaxbanaan oo ay xoriyadeedii luntay 1960-kii oo ay la midoobeen Somalia inteeda kale ay dib ula soo nqodaan, waxaana go’aankaasi saxeexay golihii dhexe ee Ururkii SNM (Somali National Movement), iyada oo ay halkaasi ku luntay rajadii ay dadka reer Somaliland wakhtiga badan ku taamayeen oo ahayd in la helo Shan Soomaaliyeed oo noqda wadan kaliya.

In ka badan 10 sanno oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhaddii SNM ka dib, waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18-kii May 1991-kii in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960.

18-ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18-ka May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgameyaashaasi.

Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhdii ka horeysay 1991kii dibna ugu noqonaysa ilaa wakhtigii xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26-kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii.

Wakhti badan ku lumin mayno inaynu ka sheekayno duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, balse waxaynu is dultaagi doonaa xaaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo 1991kii.

Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18-kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhammaan beelaha Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen islamarkaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. Shirkan waxaa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii Guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNM-ta ku jirin.

Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxaa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool.

Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan hogaamiyihii Ururkii SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato. Waxaa ku xigay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo noqday Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana Madaxweynihii sadexaad noqday Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kale waxaa Madaxweynihii afaraad noqday Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waskhtigan la joogo waxaa hada Somaliland Madaxweyne ka ah Muuse Biixi Cabdi oo ah Madaxweynihii shanaad ee ay Somaliland yeelato.

Warbixintan oo noqondoonta mid taxane ah oo aanu kaga qayb galayno xuska 18-ka May, kaga sheekayn doonaa marxaladihii kala duwanaa ee dhinacyada nabadgelyada, dibu heshiisiinta, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka iyo dhinacyada horumarka ee ay Somaliland soo martay. Waxaynu sidoo ku soo qaadan doonaa hadaladii dhaxalgalka ahaa ee haldoorka Somaliland qaar ka mid ah.