Yaab: Haweenka Dalka Mexico Oo Go’aan Ku Gaadhay In Ay Guursadaan Geedaha Waawayn Ee Ku Yaala Dalkooda Si Ay U Ilaaliyaan Bilicda Deegaanka

0
89

Mexico (Tayosame news) Haweenka Dalka Mexico ayaa waxa ay ku kaceen arrin aad u la yaab badan taasi oo ah in ay go’aansadeen in ay ka maarmaan guurka ragga isla markaana ay guursadaan Geedaha ku yaala Kaymaha Dalkaasi .

Arrintan aadka u la yaabka badan ayaa waxa bilaabay haweenka ka sop jeeda gobolka Oaxaca kaasi oo ah Gobolla ay ku yaalaan Kaymaha ugu badan ee dalkaasi waxaanay haweenka dalkaasi talabadaasi u qaadeen si ay uu dhawraan dhirtaasi isla markaana u ilaaliyaan quruxda deegaanka .

Haween tira badan ayaa waxa ay soo xidheen Taashka Arooska kuwaasi oo sheegay in ay guursadeen geedaha waawayn ee ay la sawiranyihiin .

Sida lagu baahiyay Wargeyska Mitro waxa xaflad wadareedka loo qabtay arooska Geedaha Iyo Haweenka Dalkaasi ka soo qayb galay madaxda wasaarada deegaanka ee dalkaasi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.